Fahankeyga Siyaasadda.
Afartan sano iyo ka badan baa la marayaa. Dawlado la dhis, mid dhexe iyo goboleed, welina caqli-ahaan meeshii baa la taagan yahay. Waxa magaalo-madaxda Muqdisho ka socda ayaa daliil u ah. Godkii Soomaaliyi ku dhacday bey ka jiqiiq leedahay weli! Haatan waxaa la leeyahay doorasho ayaa socota. Waxaa la dooran doono baarlamaankii 11aad. Maanta maxaa Soomaali u eg waa in la is-weydiiyaa inta yare dib loo fariisto? Madaxweyneyaal baa la doortay, midkoodna fikrad ummaddu kaga bixi karto dib-u-dhaca ku habsaday ma keenin. Waa wada-ragaw-rag-iska-dhici! Sidee loo helaa hoggaan leh aragti-siyaasadeed oo lagu wada hiran karo? Mise geed waliba dhacaankiisu dhala/dhiiqaa oo ummad waliba hoggankeeda ayey heshaa, sidaas darteedna, xaaladda ayaaba caynkaas ah?!
"All men make mistakes, but a good man yields when he knows his course is wrong and repairs the evil. The only sin is pride".Sophocles