Tuesday, December 14, 2021

Xisaab Xirka Doorashada SFR-2022

      
Xisaab Xirka Doorashada SFR-2022
-----------~--------------~~~

*Qorshaha Cumar Cabdirashiid iyo dowladda cusub*

Waxaan helay ilo warbixino muhiima oo ay iisoo warameen qaar kamidda ragii goobta kusugnaa. Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid habeen hore ayaa ahaa mid wajiyo badan oo fatahaado ah oo kusoo wajahnaa Farmaajo lagu moosayo waxaana ay kala ahaayeen sidan.
1. Midowga Musharraxiinta iyo ka mid noqoshadda dowlad wadaag ah
2. Puntland 
3. Doorasho qof & Cod
4. Badalista Qoor-Qoor 

Kulankan waxaa ka horeeyay ismaqal maalmo qadka telefoonka ay shirku yeelanayeen Farmaajo, Fahad iyo Cumar Cabdirashiid laguna falan qeynayay heshiiska ay dhawaan gaareen meelmarintiisa inta uusan Xamar kusoo laaban cumar ayeey howshu socotay ugu dambeyntiina isbuucan ayaa qalinka lagu duugay.
Janaayo bartamaheeda waxaa lagu dhawaaqayaa dowlad wadaaga oo ay ku jiraan qaar kamida Midowga musharaxiinta iyagoo golaha wasiiradda kasoo dhexmuuqan doona. Sida aan xogta ku hayo ayaa ah sidan:
1. Raysulwasaraha 
Xassan Cali Kheyre 
2. Wasiirka arrimaha gudaha
Cabdikarim Guled 
3. Wasiirka cadaaladda
Daahir Maxamud Geele 
Waxaa jiri doonta in Sheekh Shariif loo magacaabayo lataliyaha Madaxweyne Farmaajo isagoo loo qoondeynayo dhaqaale aad u badan oo uu ku maareysto xaasaskiisa faraha badan. Dhinaca kale waxaa dowladda ay qaswadeyaal u aqoonsanaysaa shaqsiyadkan soo socda:
1. Xassan Sheekh 
2. Cabdiraxman cabdishauur 
3. C/qadir Cosoble 
4. Shariif Xassan 
Waxaa kaaloo jiri doona shaqsiyaad badan oo iyagana liiska dowladiidka kusoo biiri doona kuwaas oo ciqaabo kala gedisan kala kulmidoona hadii ay dalka sii joogaan ama dalka ayeey ka baxsan doonaan.

Puntland sidii looga tuuri lahaa Saciid Dani dhaqaalo badana loogu bixin lahaa ayaa leysla afgartay iyadoo isimada loosiimarayo.
Heshiiska ayaa waxaa kale oo lagu dhimayaa awoodaha madaxda maamul goboleedyadda iyadoo isbadalo muuqda lagu sameeynayo waxaa sidaas ay seefta ku raacidoontaa Qoor-Qoor oo lagu badalayo Kamaal Guutaale oo uu soo jeedshay Cumar Cabdirashiid.  Qorshahan si loo fuliyo waa in dib leyskugu yeeraa xildhibaanadii hore si 2 ilaa 4 sano dalka uu Farmaajo u gaarsiiyo doorasho qof & cod.

Monday, December 6, 2021

Beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto Dunidda. /)

      
Dr. Abdi Ulusso  beel kursi leh wax la yiraahdo ma jirto dunidda.
Kuraastu waxay taal deegaan.
Bulshadda madaniga ama rayidka ah waa maqbuul oo macquul ah, doorka ay leeyihiin maamul goboleedyadda sidoo kale,  laakin haddii meesha la soo geliyo odey dhaqameed iyo wixii la hal maala sida; qabiil arrinta awoodda, xukunka iyo siyaasadaha waxay noqonayaan kuwo aan xuduud laheyn ( politics, power & authority boundless Sociology ).
Micnihii; bulshadda ( madaniga ) rayidka ah waa la yaqaan xaduudkeedda, tan maamul goboleedyadda waxaa qeexay sharciga, sidaas si la mid ah kuraastuna waa deegaan sida sharciga ku cad.
Deegaan walbana waxaa ka soo bixi kara qofkii heshiis lagu wada yahay, iyadoon tiro iyo qabiil loo fiirin, ha ka dhasho reerka deegaanka ugu badan ama kuwa ugu yar deegaankaas. 
Xasarad abuur iyo xasaasiyad waa Somali shaqadeed oo aad u jecel ka dhex qaraabashadda & ka dhex kalluumeysiga.
( every day isn't catching day ).
Sheeko Somaligii waa in wax laga bedelaa oo loo bedelaa mid ku dhisan mustaqbal, haddii dalka iyo dadka Somalida mustaqbalka carruurtoodda dan ugu jirto.
Yusf Abdirahman