Thursday, July 25, 2013

Road Map kii Brussels. !!!!!

>Muqdisho, 24 July 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgalay shir ay diblomaasiyiinta beesha caalamka isagu yimaadeen Muqdisho oo looga hadlayey shirka 16ka September ka dhacaya Brussels. Shirkan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirka Maaliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamud Xasan Suleymaan, Nick Westcott oo ah Agaasimaha guud ee Afrika ee Midowga Yurub, Marcus Cornaro oo ah Ku xigeenka Agaasimaha Guud ee Xiriirka iyo horumarka ee Midowga Yurub, Erygeyga Gaarka ah<;ee XG ee QM, Erygeyga Gaarka ee Midowga Africa, safiirka Midowga Yurub iyo safiiro kale iyo bulshada rayidka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey shirka isla markaana saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa yiri “ Waxaan shirka Brussels ka sugeynaa inuu xasilinta iyo horumarka dalka qeybweyn ka qaato.”
Madaxweynaha ayaa sheegey in shira Brussels rajo weyn laga qabo, dowladdana ay isu diyaarisay, waxuuna yiri “Dowladdu juhdi badan bey gelisay shirkan oo loo xilsaaran guddi farsamo oo latashiyo la wada bulshada qeybaheeda kala duwan, si ay u soo ururiyaan baahiyaha kala duwan si dalka uu u noqdo mid horumar joogta ah ka sameeya dhanka xasilinta, amniga iyo siyaasadda. Rajo weyn baan ka qabnaa shirkan bacdamaa ay Midowga Yurub iyo Soomaaliyaba ay si wadajir ah uga wada shaqeynayaan sidii uu shirkan u noqon lahaa mid najaxa.”
Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegey in dokumentiga la diyaarinayo uu yahay mid laga wada qeybgaliyey dhammaan bulshada Soomaaliyeed waxuuna yiri “ Dokumentiga COMPACT ee la diyaarinayo waa mid lagala tashtay bulshada rayidka ah, maamulada dalka ka jira oo dhan, iyo khubaro key takhasustay diyaarinta dokumentiyada. Dhammaan mashaariicda aan dooneyno in dalka laga hirgeliyo waxey noqonyaan kuwo laga fuliyo dhammaan dalka oo dhan.”
Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub iyo beesha caalamka sida ay uga go’antahay in Soomaaliya ay u noqoto dal xasilan oo horumar ballaaran taabanaya. Madaxweynaha ayaa yiri “Aad iyo aad baan uga mahadcelineynaa EU iyo beesha caalamka sida ay ugu go’antahay inay u taageeraan Soomaaliya, shirka Brussels waa mid ay Dowladda Soomaaliya la shir-guddoomineyso Midowga Yurub, kaasoo Dowladda Soomaaliya ay ku bandhigi doonto dokumenti (COMPACT) si wanaagsan loo diyaariyey oo ka tarjumaya baahida mashaariicda dib loogu dhisi karo dalka oo dhan. Waa fursad qaali ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay ka wada faa’iideysan doonaan, shaqana u abuuri doono dhalinyarada Soomaaliyeed, isla markaana xasilinooda iyo degennaanshaha dalka qeybweyn ka qaadan doona.”
- DHAMAAD –

1 comment:

Badbado Consulting Bureau said...

Ma og tahay in Tuugsigu noocyo badan yahay?, hadaba maxaa ka mid ah?.
Mar aan weydiiyay naftayda , ayaan is iri tolow tuugsigaan ay Somalia ka bixi la,dahay goormuu dhammaan?, walowba aan is lahaa marka laga baxo ku meel gaar nimada Ayaa lasoo afmeeri doonaa tuugsigaan halakeeyay dadkeenii.
Haddaan usoo dhaco dulucda oraah deeyda, teer iyo markii mudane XASAN Sheekh uu noqday madax dalka, intaas shandado lacag ah Ayaa la waldaaminayay, walina shacabkii Muqdishaad kuma qoyin bal cid kale hanoo danbeeysee.
Ugu danbayn yaboohaan lacageed ee iminka la sugayo, waa kan madaxweynuhu sheegay inuu CID kasta oo somali ah gaarsiin doonee, tolow kuwii hore meel maku sheegi doonaa, halka ay taal lacagtaas ama ciddii uu siiyay, kolay waa hubaal oo beesha jeebkeeda iyo af keeday ku dhamaataye.
Mise Bishan Ramadaan ayuu xaaraanta iska yare qabanayaa, kadibna halkiisuu kasii beegin.
Alow Naxariis nasii.

Post a Comment